Muqdisho-RisaalaFM- Bannaanbax uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hadda ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoo shalay uu dib u dhac ku yimid dibadbaxaan oo la doonaayay in Muqdisho lagu qabto.
Taaladda Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere ayuu ka socda Bannaanbaxan, waxaana isugu yimid dadweyne kala duwan oo laga kala keenay Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Banaanbaxan, ayaa waxaa lagu taageerayaa Xukuumadda cusub ee Somaliya ee Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu Talaadadii kaga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.
Golaha Wasiirada cusub ayaa ka kooban 68 xubnood, oo ay kala yihiin Ra’iisal Wasaare Ku xigeen, 26 Wasiir, 26 Ku Xigeeno iyo 15 xubdoon oo Wasiiru Dowlayaal ah.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qaybgalaya Bannaanbaxan iminka ka socda Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere.


