Xulka Argentina ayaa Buenos Aires kusoo dhaweyn doona Chile oo ay u qabaan ciil gaamuray madama ay laba Copa America ka qaadeen labadii sano ee lasoo dhaafay – balse markaan waxey isku wajahi doonaan isreeb-reebka koobka Aduunka 2018 ka dhici doona Russia iyadoo ay xusid mudan tahay in kulankii hore ee ka dhacay Chile ay 2-1 ku guuleysteen Argentina.
Argentina iyadoo 19-dhibcood leh ayey fadhisaa booska 5-aad ee kala sareynta balse guul ay gaarto waxey ka saacidi kartaa iney dalacdo iyadoo u dalaci karta booska 3-aad waase hadii Ecuador ay guuldaro kala kulanto Paraguay kulanka waqtigooda ka hor soo dhici doona.
Guuldaro soo gaartana waxey dhumin kartaa booska 5-aad balse ka hor kulankooda ayaaba lasii ogaan doona madama Colombia oo 1-dhibic ka hooseysa ay la ciyaari doonto waqtiga habeenimo ee caawa iyadoo kulan adag la leh Bolivia.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Argentina vs Chile
Tartanka: Isreeb-reebka K/A 2018
Garoonka: Estadio Monumental Antonio Vespucio Liberti
Saacadda: 2:30 (Saqda Dhexe)
MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?
Edgardo Bauza wiilashiisa ayaa diyaar u ah iney dhulkoosa ku ciqaabaan Chile isla markaana ay u talaabsadaan fooqa sare ee kala horeynta, inkatoo xasuuqii Brazil ku qabsaday ay isaga dhaqeen guushii ay ka heleen Colombia.
Pablo Zabaleta ayaa laga saaray qaranka kadib dhaawac soo gaaray, Julio Buffarini iyo Guido Pizarro ayaa si layaab leh loogu yeeray qaranka, argentina ayaana heli karta shax adag oo ay kasoo muuqdaan – Messi, Aguero, Di Maria iyo Higuain.
Juan Antonio Pizzi ayaa isna sidoo kale doonaya inuu Chile ka saacido iney talaabo hore sii qaadaan isla markaana ay dib u celiyaan Argentina, sanadkaan ayaana ah midka ugu xamaasadda badan isreeb-reebka koobka Aduunka.
Alexis Sanchez ayaaa ku jira liiska xulka balse shaki weyn ayaa la galinayaa inuu ciyaari karo xidigaan heerka caalami, halka Arturo Vidal uu ganaax ku seegayo.
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Jamaahiirta Argentina ee caawa xaadir ah marnaba ma iloobi karaan wixii qabsaday June 2016 markaas oo ay qarankooda rigoreyaal ku lumiyeen tartankii ugu dambeeyay ee Copa America.
Lionel Messi ayaa ka mid ah ciyaartoyda seegay rigoorooyinka habeenkaas.
Argentina ayaa ah xulka guulaha badan labada dhinac 21-kulan oo ay is qaabileen 12-ka mid ah Argentina ayaa guul gaartay.


