Badmaaxiin ajaanib ah oo la dhigay isbitaalka Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in isbitaalka magaalada Kismaayo la dhigay badmaaxiin ajaanib kuwasoo dooni kula qalimatay badweynta Hindiya.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dalalka ay ay u dhasheen badmaaxiinta la dhigay isbitaalka magaalada Kismaayo waxaana wararka ay sheegayaan in ay u dhasheen dalka Komoros inkastoo aan wararkaas wali la xaqiijin.

Badmaaxiinta ayaa la sheegaya in dooni ay kula qalimantay badweynta Hindiya.