Paul Pogba Oo Man United Ku Wajahan Maanta!!

Paul PogbaCalciomercato ayaa sheegtay maanta in Paul Pogba uu ka tagi doono Juventus. isagoo ugu dhaqaaqi doono  Manchester United lacag rikoor ah,

Jose Mourinho ayaa mushahar weyn u balan qaaday ciyaryahanka khadka dhaxe ee reer France tasoo ku qasbeysa in uu ka dhaqaaqo Torin.

Marka la eego saxiixyada Juventus Miralem Pjanic iyo Gonzalo Higuain , waxay muujineysaa awood ay ku fasaxi doonto Paul Pogba ayuu leeyahay wargeyska Calciomercato.

Juventus ayaa lambarka maaliyada 10 ee Pogba tasoo ay soo xirteeen halyeeyadooda ugu sareeya waxa ay ku wareeejin doontaa Paulo Dybala oo ah ciyaaryahanka hadda ugu fiican kooxda.

Ciyaaryahankii hore ee Palermo ayaa si sahlan ula qabsaday nolosha Juventus, waxaana uu doonayaa taageerayaasha in uu hilmaamsiiyo Pogba.

Isniinta manta ah aya la sugaya in wadahadalka Pogba iyo Mino Raiola ay ugu dhaqaaqayaan Manchester United horumar laga sameeyo.