Chelsea Oo ka Dhigtay £68 milyan Lacagta Ay Kusoo Celineyso weeraryahankeedii Hore ee Romelu Lukaku

Chelsea ayaa diyaar u ah lacag qaali ah in ay kusoo qaataan ciyaaryahanka  kooxda Everton Romelu Lukaku, sida laga soo xigtay The Mirror.

Toffees ayaa horey u diiday dalab weyn oo ahaa £ 57 million kasoo ka yimid kooxda Bules sabtidii ,lakiin markale ayay sare ay u qaaday Chelsea lacagta ay kusoo xero gelineyso ciyaaryahankaan.

Romelu Lukaku ayaa ka tagay Chelsea labo xilli ciyaareed ka hor markasoo Jose Mourinho uu kaga iibiyay £ 28million kooxda Everton.

Conte, ayaa si kastaba ha ahaatee, waxaa uu u arkaa qiimo waliba in uu u qalmo weeraryahanka Belgian,

Maanta kooxda Chelsea ayaa gaarsiiyay £ 68million qiimaha ay garoonka Bridge ugu soo dhaqaajineyso weeraryahanka Everton,

Dhanka kale, weeraryahankii hore ee Anderlecht Lukaku ayaa kooxdiisa ay codsaneysaa £75 milyan haddii uu ka tagayo garoonka Goodison.

Sida laga soo xigtay warbixinta Mirror Chelsea iyo Everton ayaa wada xaajood ka furay arinta Lukaku oo 25 gool u dhaliyay Toffees xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isagoo ka dambeeyay Harry Kane iyo Jamie Vardy gool dhalinta Premier League.

Tababaraha kooxda Chelsea, Antonio Conte, ayaa horay ula soo saxiixday weeraryahan Michy Batshuayi, lakiin waxaa laga yaabaa in uu waayo Diego Costa oo lala xiriirinayo kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa sidoo kale la sheegay in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga Real Madrid Alvaro Morata kaasoo laba xilli ciyaareed kadib ay dib usoo iibsatay Madrid.