Deg Deg: Qarax goor dhaw ka dhacay Xarunta CID ee magaalada muqdisho

Warar goordhow naga soo gaaray xarunta CID ee Igoyska  KM 4 magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo iyo raasaas toos ah laga maqlaayo xarunta CIDee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dad goob joogayaal ah ayaa idaacadda Risaala u sheegay in xrunta CID  lagu qaaday weerar toos .

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha uu gaystay Qaraxaasi, waxaana la sheegayaa in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa halkaas lagu Qarxiyay ka dibna dabley hubeysan ay gudaha u gashay.

Faahfaahin kala soco Risaala.net