Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo Ka dhacay Xarunta CID+Sawiro

Goobjoogayaal ayaa u  sheegay Idaacadda Risaala  in 2 Qarax oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen xarunta CID, ka dibna ciidanka dowladda ay toogteen kooxihii weerarka soo qaaday.

Wararka ayaa sheegaya in 2 Qarax ay ka dhaceen irida hore ee xarunta danbi baarista , Qaraxyada ayaa la sheegay in ay ahaayeen ismiidaamin.

Waxaa istaagay isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha,iyadoo Wadada Maka-almukarama ee halkaa marta ay tahay mid si weyn loo isticmaalo.

Khasaaraha dhabta ah lama ogaankaro ,laakiin wararka ayaa sheegaya inysan hada jirin dagaal ka socda xarunta CID.

16 15 14 13 12