Dacwaddii muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo dib loo dhigay

Maxkamada ICJ ayaa ku dhawaaqday in mar kale dib loo dhigay waqtiga dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

ICJ oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa sababta ugu weyn ku sheegtay Cudurka Covid 19.

War kasoo baxay Maxkamada oo la gaarsiiyay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayey garsoorka maxkamaddu ku sheegeen in markii ay dhageysteen codsiga dib u dhigista ee ay gudbisay Kenya, sidoo kalena eegeen xaaladda qeyrul-caadiga ah ee uu sababay xanuunka coronavirus ay go’aansadeen in waqtiga furitaanka dhageysiga kiiska laga dhigo sanadka soo socda ee 2021-ka.

15-ka bisha March ee sanadka dambe ayaa si rasmi ah loo billaabi doonaa dacwaddan, sida ay maxkamaddu caddeysay.