Dowladda oo ka hadashay Go’aanka Maxkamada ICJ

Dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay go,aanka dib u dhigista Dacwadda Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii Maxkamadda Caawa ku dhawaaqday Go,aan cusub.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay dooneysay in dacwadda la dhageysto xilligii loo qorsheeyay ee aheyd horraanta bisha soo socota.

Waxaa uu sidoo kale in dowladdu ay ku qasbantahay inay u hoggaansanto amarka dib-u-dhigista ee kasoo baxay maxkamadda.

Maxkmadda ICJ waxay 15-ka iyo 18-ka March 2021 dhageysaneysaa dooda dowladda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale 17-ka iyo 19-ka March 2021 dhageysaneysa doodda Kenya ee doonista badda Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa kiiskan markii ugu horreysay u gudbisay maxkamadda sanadkii 2014-kii, iyadoo ka dacwooneysay Kenya.

Bishii September ee sanadkii 2019-kii ayaa la filayay inay dacwadda furanto, hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid Kenya awgiis.