Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay xaliyaan dagaalada kusoo laablaabtay gobolka Shabeelaha Hoose ,kuwasoo sameyn ku yeeshay bulshada kunool gobolka Shabeelaha Hoose.
Xuseen Cali Macalin oo ka mid ah baarlmaanka koofur Galbeed oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada muqdisho asagoo ku sugan deegaanka lamabar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in maamulka koofur Galbeed ay xalinaayaan dagaal beeleedyada ka dhaca gobolka Shabeellaha hoose.
Xuseen Cali Macalin ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu imaandoono gobolka Shabeelaha Hoose,islamarkaana uu kulan la qaadan doono waxgaradka gobolka Shabeelaha Hoose.



