DHAGEYSO: Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ka doodaya hanaanka doorashada 2016

Baarlamaanka dowladda Soomaaliya  ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta baarlamaanka ,kaasoo looga hadli doono inta badan arimaha doorashooyinka.

Kulanka maanta ayaa daba socda kulankii khamiistii ee Xildhibaanada Baarlamaanka loogu qeybiyay sharciga doorashooyinka ee ay dib u eegista ku soo sameeyeen Guddigii Baarlamaanka uu u xil saaray turxaan bixinta qodobada doorashada.

Guddigan ayaa wax ka bedel ku sameeyay qodobada qaar ee ku xusnaa go’aamadii ka soo baxay Madasha wadatashiga qaran ee ku saabsanaa qaabka ay u dhaceyso doorashada sanadkan.

Xilidhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa arimahaas kala hadlay idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho.