DHAGEYSO: Xaalado adag oo dhanka nolosha ah oo soo wajahay dadkii ka barakacay Baledweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag ay soo wajahday dadkii ka baracay colaadaha iyo sidoo kale fatahaada webiga Shabeele oo ka sameyey xaafado ka mid ah magaalada Baledweyne .

Inkastoo saaka ay dagantahay xaalada magaalada Baledweyne ayaa sidoo kale la sheegaya in dadka ay soo wajahday xaalada aad u adag.

Qaar ka mid ah dadka ka barakacay dagaalada Baledweyne oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegaya inaysan heysan nolol ay ku joogi karaan duleedka Baledweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo dowladda Soomaaliya ayaa wadaa dadaal xoogan oo lagu joojinaayo colaada Baledweyne.