Puntland oo dib u dhigtay imtixaanka Shahaadiga ah sababo la xariira Covid 19

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee maamulka Puntland oo go’aamisay Waqtiga Rasmiga ah ee lagalayo imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 12aad ee Dugsiga sare iyo Fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe ee Puntland.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan oo lagu socod-siiyay Maamulayaasha Goobaha Waxbarashada iyo Mas’uuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa lagu sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ah dib loo dhigay lana geli doono 27-June 2020.

Qoraalka Wasiirka ayaa lagu sheegay in kadib Qiimayn lagu sameeyay heerka uu marayo Xanuunka COVID-19 ay suurtagal noqon wayday in Imtixaanka Shahaadiga ah ku qabsoomo Wakhtigii hore loogu qorsheeyay oo ahaa 30-May2020 sidaasi darteedna la go’aamiyay in loo fariisto 27-june 2020.