Tiradda dadka u dhintay Covid 19 ee Soomaaliya oo gaartay 61 qof

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa ka warbixiyay xaaladaha cusub ee ka soo kordhay caabuqa Covid Wasiirka waxay xaqiijisay maanta 47 xaaladood oo COVID-19 ah.

Maamulka Puntland ayaa laga xaqiijiyay 6 xaaladood, Maamulka Somaliland 2 xaaladood, Maamulka Gobolka Banaadir 17 xaaladood, iyo Maamulka Jubbaland oo laga xaqiijiyay 46 xaaladood.

20 May 2020: Warbixinta COVID-19 ee Soomaaliya.

> Laga Helay: 71
> Jubbaland: 46
> Benadir: 17
> Puntland: 6
> Somaliland: 2

> Lab: 52
> Dhedig: 19
> Bogsasho: 10
> Dhimasho: 2
——————————–
> Tirada Guud Laga Helay: 1,573
> Bogsashada Guud: 188
> Dhimashada Guud: 61