Dhageyso:-Soomaaliland oo joojisay Dukashada Salaada Ciida

Madaxweyne kuxigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Seylici ayaa shir guddoomiyey kulan ay yeesheen Guddiga wacyigelina iyo xakameynta Soomaaliland u qaabilsan Cudurk Coronavirus,kaas oo laga soos aaray Go’aamo ku saabsan Maalmaha Ciida.

Mid kamid ah xubnaha Guddiga oo Warbaahinta u Akhriayy Go’aano ay soo saareen ayaa sheegay in la mamnuucay dukashada Salaada Maalmaha Ciida si looga hortago faafitaanka Cudurka COVID-19.

Sidoo kale go’aamada Guddiga ayaa waxaa kamid ah in Milkiilayaasha Goobaha Carruurta ku ciyaaraan in lagu amray inaysan furin goobahaas,sidoo kale la joojiyo isku socodka dadka iyo Gaadiidka aada Gobolada kala duwan ee Soomaaliland muddo laba maalmood ah.

Bulshada ku nool deegaannada Soomaaliland ayaa Guddiga waxaa ay ugu baaqeen in qof walba uu gurigiisa ku ciida,isla markaana aysan jiri karin Xaflado iyo Casuumado lagu qabto Hoteelada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Go’aamada Guddiga.