Muqdisho-RisaalaFM- Munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldegayay sanadguuradii 58-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Cirka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Taliyaha Ciidamada Cirka, Taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliyeed Gen. Gorod, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale.
Ugu horeyn waxaa Munaasabadda ka hadlay Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Beylood), wuxuuna hambalyo ku aadan 58 sano guuradi ka soo wareegatay aas aaskooda u diray Ciidamada Cirka.
Sidoo kale waxa uu eedeyn u soo jeediyay Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku tagri falayaan hantida ay leeyihiin Ciidamada Cirka Soomaaliya .
Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya C/wali Jaamac Xuseen Gorod ayaa sheegay in ay soo celinayaan hantida ay lahaayeen Ciidamada Cirka Soomaaliya, si loo dar dar geliyo shaqooyinkooda.
Ciidanka Cirka Soomaaliyeed waxa uu lahaa Awood ciidan oo dhameystiran, waxayna ahaayeen Cudud Bulshadda Soomaaliyeed ay ku faanto, iyada oo hada la rajeynayo Maqaamkii iyo Maamuuskii ay lahayeen Ciidankaasi inay soo laaban doonto.
Ciidanka Cirka Soomaaliya ayaa la aas aasay 15-kii February sanadkii 1960-kii, iyagoo door firfircoon ka soo qaatay Difaacidda hawada dalka mudadii burburka ka hor, waxaana haatan muuqata dedaallo dib loogu dhisayo ciidamada oo awood buuxda u heli doona inay hantaan koontaroolka hawada Soomaaliya oo dhan.




