Xukuumadda Soomaaliya oo dadaal ku bixineysa Ansixinta Sharci horyaalla Golaha Shacabka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay ku yeelanayaan Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho kulankooda 16aad ee kalfadhiga 5aad.

Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah 3 qodob oo kal ah, u codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga Musuqmaasuqa, Akhrinta 3aad ee wax ka badelka Sharciga Batroolka iyo Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka dalka.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal adag waxaa ay ugu jirtaa Ansixinta Sharciga Batroolka oo horyaalla Xildhibaannada Golaha Shacabka, kaas oo la filayo in Maanta oo Isniin ah ay Xildhibaannada Golaha Shacabka cod u qaadaan.

Sharciga Batroolka ayaa waxaa qaarkood kasoo horjeeda Madaxda Dowlad goboledyada,iyada oo ay xusid mudan tahay in Golaha Wasiirda Soomaaliya ay Sharciga Batroolka horay u soo ansixiyeen,sidoo kalena Xildhibaannada Golaha Shacabka laga doonayo inay ansixiyaan.