Xukun lagu riday Rag dilal geystay laguna helay inay AlShabaab ka tirsan yihiin

Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay laba xubnood oo loo haysto Alshabaab ay ka tirsanaayeen .

Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen AlShabaab .

Labada  xubnood ee lagu Eedeeyay in ka tirsanaayeen  Alshabaab  ayaa kamid ahaa  Shabakad ka kooban Lix ruux oo dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug sida ay Maxkamaddu sheegtay.

Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayay horay Maxkamadda darejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ugu xukuntay dil toogasho ah ay Rafcaan u qaateen Maxkamadda sare ee Ciidamada taas oo ugu dambayn ku raacday Xukunka.