Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubbaland hawlgal ay ka sameeyeen gudaha magaaladaas ay kuna soo saareen miinooyin dhulka lagu aasay .
Ciidanka amniga Jubbaland ee degmada Dhoobley ayaa fashiliyey miino ay kooxda Khawaarijtu qorshaynayeen in ay ku dhibaateeyaan bulshada degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka daraawiishta Jubbaland.
Hase ‘ ahaatee ‘ Saraakaal ka tirsan ciidanka amniga Jubbaland ayaa sheegay iney u suurta gashay iney la fashiliyaan qarax miino oo uu sheegay in Al-shabaab ku aaseen wadada dhinaceeda.
Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiysay weerarada qaraxyada ee isugu jira miinooyinka ay ku aasaan wadooyinka .



