Xildhibaano sheegay in Qaraxii Zoobe ay ku dhinteen 231

Xildhibanano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in maydadka 220 qof la geeyey cisbitaalka Madina halka dhaawaca la geeyey cisbitaalkaas uu yahay 71.

Xildhibaan Mahad Salaad iyo Abshir Bukhaari ayaa warkaasi si kala gooni gooni ah u sheegey.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Bukhaari ayaa qoray Qoraalkaan:

Runtii ima farxad gelineyso maanta in aan halkan ku qoro ama sheego khasaarihii dhimashada iyo dhaawaca ahaa ee shalay soo gaaray dadkeena kuwaas markii horeba la daalaa dhacayey dhibaatooyin nololeed oo fara badan.
Aroornimadii saakay waxaan ka qayb galay aaskii qayb ka mid ah dadkii shalay dhintay. Aaskii ka dib ayaan booqasho ku tegay isbitaalka Ordogan (Ex-Digfeer). Maamulka isbitaalka ayaa inooga warbixiyey tirada dhaawaca dadka la soo gaarsiiyey isbitaalka oo gaarayey 217 qof oo mar ahaantiiba ay dhinteen 11 ka mid ah, halka 12 ka mid ah tiradaas uu dhaawacoodu aad u daran yahay.
Mar ahaantii sida uu maamulka isbitaalka inoo sheegay 60 ka mid ah 217-ka dhaawaca ahaa xaafadahooda ayaa loo qaaday ka dib markii ay heleen gargaar caafimaad oo wanaagsan. Mar kale ayaa habeenimadii laga saaray 37 qof oo guryahooda loo qaaday.
Ka dib waxaan booqasho ku tegay isbitaalka Medina halkaas oo Dr. Maxamed Yusuf oo ah agaasimaha isbitaalka inoo sheegay in shalay ilaa xalay la keenay isbitaalka meydka 218 qof oo 130 ka mid ah ilaa iyo hada la garan la’ yahay ka dib markii ay aad u gubteen. Sidoo kale dhaawaca la keenay isbitaalkaas ayaa ah 71 qof oo waqti yar ka dib 2 ka mid ah tiradaas ay dhinteen.
QARANJABKII inagu dhacay dabayaaqadii 90kii ka dib, inta aan xusuusto dhacdadan ayaa iigu xanuun badneyd. Runtii Ilmadu waa biyo yar oo aan culeys lahayn laakiin qofka ilmeynaya ka fududeysa culeys aad u weyn oo qalbiga iyo maskaxda ka saaran.
Eebow Naxariis badanow u naxariiso intii Dhimatay, Inta dhaawaca ahna caafi. Aamiin