Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay Qaraxii Zoobe

Jowhar-RisaalaFM- Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar kadib muddo Saddex Toddobaad ah oo uu safar uga maqnaa magaalada Jowhar.

Madaxweyne Waare ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Guudlaawe), Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Hirshabeelle, Wasiiro, xildhibaano, mas’uuliyiinta Gobolka iyo xubno kale.

Waare oo si weyn loo soo dhoweeyay ayaa hadal gaaban uu ka jeediyay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar waxa uu tacsi tiiraanyo leh u direy ehelada, asxaabta, qaraabada, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay Musiibadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho,isagoo dadkii ku dhintay uu Eebe uga baryay In naxariista janno uu ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna uu caafimaad taam ah uu siiyo.

“Waxaan ugu baaqayaa dowlada Federalka, dowlad goboleedyada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan cadawgan maalin walba  caadeystay inay dhiigga ummada Soomaaliyeed daadiyaan” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.