Xil wareejin maanta ka dhacaysa garoowe.

Agaasimaha cusub ee wasaarada deegaanka maamulka puntland ayaa manta xilka la wareegaysa waxaana la filaya in munaasamadu ay ka dhacdo magaalada garoowe ee caasimadda maamulka puntland.

Agaasimaha cusub ee wasaarada deegaanka iyo duurjoogta puntland Muno Daahir  Dalmar ayaa manta xilka kala wareegaysa agaasimhii wasaaradaas Cabdirisaaq Bogcad.

Cabdirisaaq bogcad ayaa loo  wareegiyey agaasimaha wasaarada dastuurka maamulka puntland,waxaana manta la filaya munaasabada in ay kasoo qeyb galaan madax ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweynaha maamulka puntland Cabdiwali Maxamed cali Gaas ayaa dhawaan isku badal ku sameyey agaasimaha yaasha guud ee maamulka puntland.