Dowladda Morocco oo Soomaaliya ka taageeraysa Amniga

Wasiirka arrimaha dibadda ee Morocco  Salaaxudiin Miswaar ayaa sheegay in ay gacan ka geysan doonaan sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen arrimaha amniga.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Turkiga kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha dibada ee Dalka Morocco Salaaxudiin Miswaar waxayna ka wada hadleen Arimaha aminga iyo siyaasada.

Kulanka ayaa xoogga lagu saaray arrimaha amniga, iyagoo isku raacay arrimo badan oo uu Ra’iisul wasaaruhu ka dalbaday dowladda Morocco.

Dowladda Morocco ayaa ka mid noqonaysa dowladdaha taageeraya  Soomaaliya.