Wiil Soomaali-Ameerikaan ah, oo ku nool gobolka Minnesota ee Maraykanka ayaa qirtay inuu qorsheynayay inuu ku biiro kooxda dowlada Islaamiga ee Daacish ee ka dagaalanta dalka Suuriya iyo ciraaq.
Gudaha dalka maraykanka ayaa waxaa ciqaab weyne ka ah inaad qirato inaad doonaysid inaad ku biirto urur argagixiso,
In ka badan 75 qof ayaa ayaa waaxda Cadaalada ee dalka Maraykanka ay ku soo oogtay kiisas la xiriiray ku biiritaanka dowlada Islaamiga ee Daacish ee sheegtay inay masuul ka ahayd weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Baaris bishii Nofember ee sanadkii hore iyo weerarkii ka dhacay bishii Maarso ee sanadkan magaalada Brussels oo ay ku dhinteen 31 qof.
Wiilkaa ayaa lagu magacaaba Cadnaan Faarax ayaa lagu wadaa inuu wajihi doono xabsi dhan illaa 15 sano.
Wiilkaan da’diisu tahay 20 jir, ayaa qirtay mid ka mid ah dacwooyinka lagu soo oogay ee la xiriiray inuu taageero qalab oo aan la cayimin u fidiyay urur argagixiso oo Caalami ah, sidaana waxaa sheegay afhayeenka xafiiska xeer Ilaaliyaha dalka Maraykanka.


