Wasaarada arimaha gudaha ayaa ugu baaqday dhinacyada wali ka maqan shirka jowhar inay ka soo qaybgalaan.
Wasiirka arimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdiraxman Maxamed Xuseen ayaa sheegay in looga baahanyahay dhinacyada ka maqan shirka jowhar in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo gaaraan magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Odawaa ayaa sheegay in horseedka shirka ay yihiin ergooyinka ka qeybgalaya looga baahanyahay in kusoo dabaan dadka ka maqan shirka.
Qaar ka mid ah waxgradka gobolka hiiraan ayaa wali ka soo qeyb galin shirka ka socda magaalada jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe.


