Madaxweynayaasha maamulada galmudug iyo koofur galbeed ayaa manta la kulmya madax ka tirsan dowlada talyaaniga waxayna kala hadli doonaan xaalada Soomaaliya.
Madexweynaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan sheikh Aadan iyo Madaxweynaha galmudug cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dowladda talyaaniga ay waxyaabo badan ka caawin doonto maamuladooda.
Madaxda ay la kulmi doonaan ayaa waxaa ka mid madaxda talyaaniga u qaabilsan deeqaha iyo waliba kuwa amniga qaabilsan.
Markii ugu horeeysay oo ay si wadajir ah ula kulmaan madax ka tirsan dowladda talyaaniga Madaxweynayaasha galmudug iyo kofurgalbeed.
Dowladda talyaaniga ayaa ka mid ah dowlada taageera dowladda Soomaaliya.


