Shir manta madaxda bariga Afrika uga furmaya magaalada baxardaar.

Shir looga hadlayo amaanka Bariga Afrika oo maanta ka furmayo dalka Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalaya iyo madexweynaha maamulka puntland.

Shirkaan ayaa waxaa la filaya in ay ka soo qeyb galaan madax ka tirsan Bariga Afrika waxaana inta badan diirada lagu soo saaraya ammaanka bariga Afrika iyo waxa ay reer galbeedgu ugu yeeraan Argagixida.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filaya in uu halkaas ka jeedo khudbad oo ugu hadlaayo xaalada Soomaaliya Gaar ahaan ammaanka .

Hogaamiyaasha Barika Afrika ayaa inta badan waxay ka hadli doonaan hormarinta barika Afrika iyo iskaashiga ammaanka.