Xeer-ilaalinta Spain oo dacwad ku soo oogay xiddiga C.Ronaldo

Xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa wajahaya dacwado la xiriira qiyaano canshuur ah oo lagu sheegay £ 13million sida goordhaw ay ku dhawaaqeen xeer-ilaalinta Spain.

Xiddiga reer Portugal ayaa laga yaabaa inuu dhibaato kala kulmo Qiyaanada la sheegay ee la xiriirta Canshuur.

Hore dhacdadan oo kale waxaa loogu eedeeyay xiddiga kooxda Barcelona, Lionel Messi, kaasoo xukun garka loo geliyay.

Weeraryahanka reer Argentina iyo aabihii waxaa lagu xukumay 21-bilood oo xarig ah, laakiin sharciyada Spain ayaa u ogladay in ay iibsadaan.

Messi ayaa lagu amray inuu bixiyo lacag dhan £ 1.7 milyan ka dib markii lagu helay dambi ah inuu qiyaamay cabshuurtii xaqa loogu lahaa.

kiiska Ronaldo ayaa waxa uu u egyahay midkii canshurta ahaa ee uu ku dhacay laacibka Barcelona Lional Messi.

32-sano jirkaan ayaa la ogyahay dakhliga shakhsiga ee usoo caruuday tan iyo 2010 inuusan ka bixin casnhuurtii xaqa loogu lahaa.