Wiilal Soomaali ah oo lagu dilay dalka Syria

Labo wiil oo Soomaalida Britain ah oo sanadkii 2014-tii u dhoofay dalka Syria oo kamid ahaa boqolaalka dhalinyarada ah ee ku biiray kooxda ISIS ayaa la xaqiijiyay in ay dagaalo ku dhinteen.

Britain waxaa ay ka mid tahay dalalka sida weyn uga walaacsan dhalinyarada British-ka ah ee ku biiraya kooxaha xagjirka ah.

Waxaana la rumeysan yahay in dhowaan lagu dilay dalka Syria iyagoo u dagaalamayay kooxda ISIS ee dalkaas.

Caruurtan ayaa marna waxa ay u keyn in ay ku lug lahaayeen xagjirnimada sida in badan oo kamid ah Soomaalida iyo deriskooda ay sheegeen.

Labadan wiil oo lagu kala magaacbo Khaliif Shariif oo ahaa 21 jir, iyo Cabdiraxmaan Shariif oo 18 jir ahaa, ayaa ka tagay magaalada Manchester bishii November ee sanaddii 2015.

Magaalada Manchester ee dalka Britan ayaa waxaa ku nool kumanaan Soomaali ah, iyadoo maalmihii udambeeyay dhalinyarada halkaasi ku nool ay ku biirayeen kooxaha xagjiriinta ah.