Kenya-RisaalaFM- Weerar khasaare dhaliyay ayaa Ciidamo ka tirsn Dowladda Kenya waxaa maanta lagula eegtay inta u dhaxaysa degaanada Haluuqa iyo Ijaara oo ka wada tirsan magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.
Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar dhabagal ah u dhigay ciidamo Kenyan ah, kuwaasi oo ku socdaalayay degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, Ciidamadan ayaa ka baxay Gobolka Jubbada Hoose, waxayna ku sii jeedeen gudaha Kenya.
Dadka degaanka ayaa sheegay weerarkan inuu geystay khasaare kala duwan oo soo gaaray Ciidamada Kenya, ee weerarka lala eegtay, waxayna tilmaameen Shabaabkii weerarka geystay in ay u baxsadeen dhanka Keymaha ee Gobolka.
Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen ilaa Saddex Askari oo Kenyan ah, waxay kaloo Shabaab sheegeen in ay si dirqi ah uga baxsadeeen Saddex Gaadiid oo nuuca Ciidanka xambaara ah.
Sheegashada Shabaab marka laga soo tago ee ku aadan khasaaraha weerarkan ma jirto saraakiisha Kenya oo si faah faahsan ilaa hadda uga hadlay weerarkan, balse waxaa socda baaritaano ay wadaan Ciidamada Kenya, oo ay ku daba joogaan raggii weerarkan fuliyay.
Dowladda Kenya ayaa horey Ciidamo badan u soo dhoobtay magaalooyinka waa weyn ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, si looga hortago falalka la xiriira amni darada, balse weli waxaa muuqata in weeraradan aanan loo helin jawaab sax ah.