Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku soo wajahan shaqaale Caafimaad iyo Diyaarad sida gargaar, kuwaasi oo ka imaanaya dalka Turkiga, kadib amarkii uu bixiyay Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan.
Diyaarada Muqdisho imaaneysa waxaa la sheegay inuu la socdo Wasiirka Caafimaadka Turkiga Ahmet Demircan, waxaana socda soo dhaweynta wafdigaasi.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yariisow iyo xubno kale ayaa ku sugan Garoonka Diyaaradaha Aaadan Cadde si ay u soo dhaweeyaan wafdiga Turkiga.
Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in Turkiga uu balan qaaday inuu gacan ka geysto gurmadka iyo kaalmada loo fidinayo dadka aadka u liito ee ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdisho.
Turkiga ayaa Calankiisa ee Safaaradda Turkiga ee Muqdisho hoos udhigay Saddex Cisho oo shalay ka bilaabaneysay, maadaama dalka Baroordiiq uu ku jiro.
Madaxweyne Erdogan ayaa mar kale umadda Soomaaliyeed u muujiy garab istaag, isla markaana mar walba ka damqada dhibaatooyinka heysta shacabka Soomaaliyeed.



