Khayre oo xalay kormeer ku tagey goobtii uu Qaraxu ka dhacay “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer ku tagey goobihii ay ka dhaceen falkii argagixiso ee Sabtidiii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa goobtaasi kula hadlay Ciidamada Dowladda oo ka qayb qaatay gurmadkii loo sameeyay dadkii ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka sida dhiiran ee ay u caawiyeen shacabkooda, dawladduna aysan hilmaami doonin doorkooda qiimaha badan iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Shacabka reer Muqdisho, ayaa waxaa lagu ammaanay inay si weyn uga falceliyen baaqii ahaa, in loo gurmado dhibane-yaasha, isla-markaana ay dhiigoodu u yaboohaan.