Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in mudnaanta 1aad ee Wasaaradda xilligan ay tahay sidii loo dhisi lahaa Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo loogu talo galay inay nidaamiso isgaarsiinta dalka.
Wasiirka oo ka hadlayay aqoon-is-weydaarsi socday muddo 3 maalmood ah oo loo qabtay shirkadaha isgaarsiinta, shirkado la-talin iyo Kooxda Hawl-fulinta oo loogu talo galay inay taageero farsamo ka geystaan sidii loo dhisi lahaa hay’addii ugu horreysay ee nidaamisa isgaarsiinta dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in markii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu saxiixay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka bishii Oktoobar 2017, ay Wasaaraddu ka dalbatay Bankiga Adduunka taageero farsamo oo lagu dhisayo Hay’adda, iyadoo Bankigu uu gacan ka geystay in la hawl-geliyo khubaro Wasaaradda kala talin doona sida ugu habboon ee lagu dhisi karo Hay’ad nidaamisa, isla markaana horumarisa isgaarsiinta dalka.
“Waxaad haysataan fursad naadir ah oo aad ku aasaaseysaan hay’ad cusub oo aysan xannibeynin caqabadaha maamul ee haysta hay’adaheena dawladeed ee hore u jiray. Waxaad mas’uul ka tihiin guusha ama guul-darrada hay’addan cusub, waxaana idinku adkeynayaa inaad sameysaan wax kasta oo



