Iyadoo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ay muddo todobaad ah ay ku sugan yihiin magaalada Garowe ayaa sidoo kale maalinta bari ah waxaa la filayaa in Garowe ay gaaraan Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya iyo Wakiilka Q.M ee Soomaaliya.
Waxaana wafdiga maalinta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay ugaareen Garowe ay tahay sidii maamulka Puntland looga dhaadhicin lahaa sidii ay u aqbali lahayd nidaamka 4.5-ka.
Guddiga maamulka Puntland oo shir maanta Garowe ku yeeshay ayaa soo gudbiyey qodobo gaaraya ilaa iyo 5 qodo, kuwaas oo jawaab u noqonaya qaadashada Puntland ee Nidaamka 4.5
Horey Puntland waxaa u gaaray wakiilo ka socda qaar ka mid ah dalalka caalamka si ay qeyb uga noqdaan wadahadalada u socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.


