DHAGEYSO: Hadnti-dhowraha guud ”canshuurta ay qaadaan maamulka G/Banaadir waa qalad”

Hanti-dhowraha guud ee qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo maanta magaalada muqdisho kulan kula qaatay Agaasimeyaasha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah ururada bulshadda Rayidka ah ayaa waxa uu kulankaasi uga hadlay arimo dhowr ah.

Nuur Faarax Jimcaale Hanti dhowraha guud ee qaranka,ayaa tilmaamay in Lacagaha ay qaadaan maamulka gobolka Banaadir ee laga qaado guryaha uu yahay mid aan sharciga waa faqsaneyn.

Waxaana uu sheegay in lacagahaas dadka laga qaadayo ay iska horkeeneyso dowladda iyo shacabkeeda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa ay wadaan qaadista canshuuraha ay ka qaadaan dadka degan guryaha ku yaalla magaalada muqdisho.