Tababaraha Chelsea oo amaanay Alexandre Pato

Tababaraha Kooxda Chelsea Guus Hiddink ayaa aamisan in haatan Pato uu awoodo inuu soo bandhigo tayadiisa kadib markii uu saftay kulankiisii ugu horeyay.

Chelsea ayaa 4-0 ku garaacday kooxda Aston Villa, Pato ayaana badal kusoo galay daqiiqadii 23-aad kadib dhaawac soo gaaray Loic Remy.

Weeraryahankan oo Chelsea amaah uga soo biiray bishii January naadiga Brazil ka dhisan ee Corinthians, ayaa kulankisii koobaad dhaliyay rigoore isla isaga lagu galay.

Wax kayar hal daqiiqo qeybtii labaad, Chelsea ayaa heshay goolkii sedexaad, Pato ayaana si cajiib ah kubada ugu dhiibay Oscar, kaas oo isna usii dhiibay Pedro oo goolkiisii labaad dhaliyay.

Kadib qaab ciyaredkaas xoogan ee uu soo bandhigay Pato, macalin Hiddink ayaa haatan aamisan inuu ciyaaryahankan guuleysan karo inta ka dhiman xili ciyaareedkan.