Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa maanta kulan kula qaatay howgiisa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho.
“Waxaan maanta Hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore dawladii Federaal-ka ku Meel-gaarka ahayd ee Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Muqdisho jooga” ayuu yiri Wasiir Juxa.
Wasiir Juxa ayaa sheegay in uu Sheekh Shariif kala hadlay Arrimo badan oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya.
Sheekh Shariif ayaa dhawaan yimid Magaalada Muqdisho.



