Warbixin: Koonis Mise Camp Nou?

Koobka 3-aad ee loogu jecel yahay dalkeena Soomaliya ayaa waxaa ka qeyb galay 391 ciyaartoy oo dhallinyaro ah oo matalayay degmooyinkooda.

Waxay aheyd habeen qurux badan oo dadka Soomaaliyeed qateen, iyadoo cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka Kubadda Cagta dagmooyinka 2017 lagu qabtay garoonka Banaadir Stadium xalay oo ay aheyd 8-da September.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, masuliyiinta gobolka banaadir, marti sharaf, saxaafada iyo taageerayaal badan ayaa dhamaanba soo xaadiray kulankii kama dabeysta ahaa ee xalay u dhaxeeyay dagmooyinka Waaberi iyo Hodan.

Bishaan Sebteembar, ayaa loo aqoonsan doonaa inay tahay bil taariikh gaar ah u leh kubadda cagta Soomaliyed, maadaama taariikhda markii ugu horeysay xili habeen ah la ciyaaray 30 sano kadib.

Duqa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho Mr. Thaabid Abdi Mohamed, ayaa u mahadceliyay gudigii tartanka qaban qaabinayay muddadii afar toddobaad aheyd ee uu tartanka socday,Halka Sidookale uu amaanay 391 ciyaartoy ee da’da yaraa ee tartanka dagmooyinka ka qeyb galay sannadkaan 2017.

Ciyaartooyda sannadkaan ka qeyb galay tartanka dagmooyinka ayaa ahaa kuwii ugu da,yaraa ee tartanka ciyaara, waxaana da’doodu u dhaxaysaa 16-18 sano jir.

Dagmooyinka Waaberi, Hodan iyo Karaan ayaa waxaa abaalmarino gudoon siiyay Duqa caasimadda, waxaana haatan Soomaliya ay isku diyaarineysaa tartanka ciyaaraha U15s oo xiiso gaar ah yeelan doona.

“Waxaan u mahadcelineynaa Duqa Magaalada caasimadda ah, Thabet Abdi Mohamed, oo go’ansaday inuu ka caawiyo dhalinyarada horumarinta cayaaraha.

Waa nin dhallinyaro ah oo jecel kubada cagta, islamarkaana taageersan dhalinyarada jecel ciyaaraha, “ayuu yiri guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdiqani Saciid Carab.

“Tartamada noocan oo kale ah ayaa naga caawiya inaan helno ciyaartoy da’ yar iyo kuwa tayo leh” ayuu hadalkiisa raaciyay Mr Carab.

In Muqdisho lagu cayaaro habeen ayaa waxyaabaha suurtageliyay waxaa ka mid ah Amniga Magaalada Muqdisho oo soo hagaagaayay bilihii lasoo dhaafay.

Dadkii u daawasho u tagay ciyaarta ayaa xalay saqdhexe dib ugu laabtood guryahood oo ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir,iyagoo aan dareemin cabsi.

 Daawo sawirradda Garoonka Koonis..