DHAGEYSO: Wasiir Fargeeti”dakhliga gudaha waa uu kordhay”

Wasiirka maaliyadda xukuumada Soomaaliya Maxamed Aaden  ibraahim fergeeti ayaa sheegay in wasaarada maaliyada dowlada soomaaliya ay sare u qaaday dakhliga gudaha soomaaliya islmarkaan wasaarada  ay la timid qorsho cad oo lagu hormarinayo dakhliga gudaha dalka.

Wasiir fargeeti ayaa sidoo  kale sheegay in sanadyadii la soo dhaafay ay waxbadan qabatay wasaaradda maaliyada soomaaliya,islamarkaana uu soo kobcaaya dhaqaalaha soomaaliya.

Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa sheegay in hada dalka uu leeyahay miisaaniyad ay meel mariyeen Golaha wasiirada iyo Mudanayaasha baarlaamaanka Soomaaliya, waxuuna sheegay in layskula xisaabtamo .

Wasaarada Maaliyadda dowladda Soomaaliya  ayaa wadda qorsho lagu hormarinaayo kobacaha dhaqaalaha dalka.