Soomaali lagu xiray dalka Britain

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo looga shaki sanyahay in  ay darooga ka ganacsanjireen ayaa lagu qabtay degmada Worcester ee dalka Britain .

Booliiska dowladda Britain ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta kusoo dhigeen tiro dad ah kuwaasoo lagu eedeeyay ka ganacsiga darooginka noocyadeeda kala duwan waxaana ciidamada boliisku ay u dhaceen guri la sheegay in kuyaala degmada Worcester, waxayna gacanta kusoo dhigeen haweenay u dhalatay faransiiska iyo waliba seddex qof oo Soomaali ah.

Magacyada dadkaan loo qabtay ayaa lagu sheegay Kamal Liban, 19, Abdimahad Adow, 20, Abdirahim  20, iyo Adem Benmessahel, 18,

Eedaysayaasha ayaa loo gudbin doona maxkamad waxaana suurgal in ay muteystaan xabsi waqti dheer.

 

Ciidamada Amaanka Gaar ahaan kuwa Boliska  ee jooga West Mercia ayaa shaaca ka qaaday  in 3 wiil Somali iyo Haweeney Faransiis ah lagu soo oogay Ka Ganacsiga Daroogadda Khatarta iyo u kala gudbinteeda magaallooyinka  weyn ee dalka Britain.

 

Xigasho: worcesternews.co.uk.