Maxkamadda Ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliya ayaa manta dil toogasha ah ku fulisay labo nin oo la sheegay in ay ka dambeeyey dilkii loo geystay alle ha u naxariiste wariye Hindaya Haaji Maxamed oo ka tirsaneyd Raadiyaha iyo tvga qaranka Soomaaliya.
Fagaaraha Iskuul polozia ayaana saaka lagu toogtay Xasan Nuur Cali Faarax iyo C/risaaq Maxamed Barrow oo horay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida iyo Maxkamadda Sare ee ciidanka ay ku xukumeen dil.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dhowr jeer waxay xukun dil ah ku riday dhalinyaro la sheegay in ay katirsan yihiin ururka-Alshabaab.


