Wasiir Beyle oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda Norway

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta oo Khamiis ah soo gaaray laguna soo dhaweeyey Wafdi ka socda Wasaaradda Arimaha Dibadda Dowladda Norway.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay booqdeen Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Magaalada muqdisho, iyaga oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen arrimo la xiriira horumarka Maaliyadda Dalka iyo wada shaqeynta Soomaaliya iyo Norway.

“Maanta waxaan Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweynay Wafdi ka socday Wasaaradda Arimaha Dibadda Dowladda Norway. Waxaan ka wada hadalnay horumarka Maaliyadda Dalka iyo wada shaqeynta wanaagsan ee nagala dhaxeysa Norway ayuu yiri’Wasiir Beyle.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dadaal weyn ugu jirto sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta,waxaana wufuud ka socota Soomaaliya ay ka qyeb galeyn Shirar arrimhaas looga hadlayay.