WARBIXIN: Shakiga Gawaarida xamuulka ah ee Ciidanka Dowladda

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay culeyska baarista la xiriirta ee ay saarayaan Gawaarida Xamuulka, wixii ka dambeeyay Qaraxii lagu hoobtay 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Gaari xamuul ah oo uu kaxeynayay nin Ismiidaamiye ahaa ayaa Todobaadkan bilowgiisa wuxuu beegsaday dad shacab ah oo ku sugnaa Isgoyska Zoobe, halkaasi oo uu ku galaaftay nolosha boqolaal dad ah oo u badnaa Haween, Caruur iyo Ciroole.

Maalin ka hor Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku beegneyd Talaadadii waxa ay xireen ku dhowaad Todobo wado oo muhiim u ah shacabka oo ay sheegeen in yaalaan Gawaari sida waxyaabaha Qarxa, balse aysan jirin taxadarkaas ay sameeyeen wax ka soo naaso cadaaday oo la xiriira falal amni daro.

Qaraxyo dhowr ah ayaa Muqdisho ka dhacay hadaba goobaha ay ka dhaceen wadooyinka soo gala waxaa jooga Ciidamada Dowladda, tusaale Qarixii Zoobe, Isgoysyada Banaadir iyo Ex-control waxaa ku yaalla bara Ciidanka ay fariistaan, sidoo kale wadooyin kale oo ku dhow goobta uu Qaraxa ka dhacay ayay joogaan Ciidamada, sidaasi oo ay tahay ma aysan qaban.

Ciidamada Dowladda Federaalka waxa ay joogaan dhammaan wadooyinka, waxaana la xiray jidadka yar yar ee soo gala wadooyinka, iyada oo taasi ay jirto ayay hadana si caadi ah u dhacaan mararka falalka la xiriira amni darada.

Shacabka reer Muqdisho ayaa kuu sheegaya in hal qaanad aysan isla wada galeynin in dadweynaha la caburiyo wadooyinka yar yarna laga xirto, hadana magaalada ay si caadi ah uga dhacaan Qaraxyada, iyaga oo laamaha ammaanka ku dhaliilay in ay gabeen shaqadooda.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo laba maalmood ka hor warbahinta la hadashay ayaa sheegtay in ay ka fakarayaan habka ugu haboon ee Gaadiidka Dekada Muqdisho ka qaada xamuulka loogu fasixi lahaa magaalada, maadaama hada ay xayiran yihiin, oo ay socdaan howlo gargaar ah.

Dadka aad uga faalooda arrimaha ammaanka ayaa soo jeediyay si looga baxo shakiga Gaadiidka xamuulka in Gawaarida waa weyn ay socdaan xilliga habeenkii gaar ahaan wixii ka dambeeya 11:00 habeenimo, taasi oo loo arko inuu yareyn karo ciriiriga ka jira wadooyinka, ammaankana uu wax badan ka bedeli karo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay wax ka qabato arrimaha ammaanka oo ah tiirka koowaad ee Dowladnimada, Dowladda caqabada ugu weyn ee dhanka amniga ka heysata waa Al-shabaab, sida ay qabaan dadka ku xildheer arrimaha ammaanka.

W/D:- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal