Kenya-RisaalaFM- Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa maalin ka hor cod dheer ku sheegtay inay dhimayso 30% cuntadii ay siin jirtey qaxootiga ku jira xeryaha ku yaalla dalka Kenya, kuwaasi oo aad u fara badan.
Saraakiil u hadashay WFP ayaa ujeedada ay Hay’adda cuntada hoos ugu dhigtay waxa ay ku sheegeen in ay tahay kadib markii ay weysay dhaqaalihii ay ku bixin jirtey xeryahaas.
WFP ayaa sheegtay inay u baahnayd lacag gaareysa $28.5 Million si ay u daboosho baahida cunto ee qaxooti gaaraya 420,000 lixda bilood ee soo socota.
Arrintan ayaa waxaa aad walaac uga muujiyay Qaxootiga ku nool xeryaha dalka Kenya, oo dalal kala duwan oo Soomaaliya ay ku jirto ka soo jeeda, waxayna sheegeen taalabadan in aysan aheyn mid xilligan haboon.
Xeryaha cuntada laga jaray ayaa waxa ay yihiin Dhadhaab iyo Kaakuma kuwaas oo hoy u ah inta badan Soomaali iyo qaxooti ka soo jeeda Koofurta Sudan, gaar ahaan Soomaalida ayaa ah Qaxootiga ugu jilicsan ee ku jira xeryhaha Qaxootiga Kenya.
Nimca Xasan Samatar oo ka mid ah Guddoomiyeyaasha qeybaha ay ka Kooban tahay Xerada IFO laba oo u warantay C/qani Maxamed Cali oo ka tirsan Risaala kuna sugan magaalada Gaarisa ayaa waxa ay sheegtay arrintan in ay aad uga nixisay, maadaama ay sheegtay markii horeba in ay ku jireen xaalad adag.
Waxay kaloo sheegtay Nimca oo sii hadlaysay in Qaxootiga Soomaaliyeed qaarkood oo ay iyada ka mid tahay in uu ku soo dhashay fikir ah in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya, inkastoo ay sheegtay meelihii ay ka timid inuusan ka jirin amni fiican.
Ugu dambeyntii Nimca Xasan Samatar ayaa sheegtay go’aanka WFP keliya in ay ka maqleen warbaahinta, oo aan lagu soo wargelin, taasina ay aad uga xun yihiin.
Dhaqaalaha hoos u dhacay ayaa ku soo beegmaya lix bil kadib markii ay Qaramada Midoobay ka digtey in dunida ay wajahayso halistii ugu xumeyd ee dhinaca bani’aadaninimada kadib dagaalkii labaad ee dunida, sababo la xiriira abaaro ku dhuftay wadamada Koofurta Sudan, Somalia, Nigeria iyo Yemen.
Xeryaha Dhadhaab oo loo arko in ay yihiin kuwa ugu ballaaran caalamka ayaa waxaa la aas aasay kaddib colaaddii sokeeye ee Soomaaliya si hooy loo siiyo Soomaalida ka soo qaxaya dalkooda.
Qaxootiga Aduunka ayaa tiradooda guud waxaa lagu qiyaasay in ay yihiin Lixdan iyo Afar Milyan, waxaana Soomaaliya ay tahay dalka Saddexaad ee ugu badan Qaxootiga.
Warbixin ay bishii hore soo saartay Hay’adda ka digta abaaraha ayaa lagu sheegay in weli ay halista Abaartu ka jirto qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya jiilaalka oo dheeraaday iyo sababo caafimaad darro.
W/D:- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal


