Dad u dhintay gaajo iyo xaalado caafimaad daro

Gaalkacyo-RisaalaFM- Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa dad u dhintay gaajo iyo xaalado caafimaad daro, duleedka magaalada Gaalkacyo, sida ay Risaala u sheegeen masuuliyiinta degmada.

Guddoomiyaha magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay dadkii ka soo barakacay Abaaraha ee soo gaaray duleedka magalada Gaalkacyo ay heysato xaalado adag.

Wuxuu sheegay Xirsi Yuusuf Barre in gaajo iyo biyo la’aan ay u geeryoodeen ilaa Saddex qof saacadihii ugu dambeeyay, loona baahan yahay si deg deg ah wax loogu qabto dadka u dhibaateysan duleedka Gaalkacyo.

Dowladda Federaalka, mamulka Galmudug iyo Hay’adaha gar gaarka ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan badbaadinta dadkan, oo hadii aan gar gaar loo fidin xaaladooda ay ka sii dareyso.