WARBIXIN:- Miyaad kaligaa Noolaan kartaa adigoo Faraxsan ?

Muqdisho-RisaalaFM- Aragtida bulshada Marka laga soo bilaabo, dadku waxay kaligood ku noolaan karaan nolol kalinimo ah, laakiin waa in ay xaalado ku meel-gaar ah keeni karto.

Xaqiiqdii, dadka keligood nool waxay u badan tahay inay ku sii jiraan xaalad kacsanan ah marka loo eego dadka kale ee kooxda ama lamaanayaasha ah.

Dalka Mareykanka, 28% boqolkiina waa qoysas, halka inta kasoo hartay ay yihiin kuwo kaligood deggan oo xaalado gaar ah ku nool.

Dhamaan adduunka, dad badan ayaa kaligood ka hela in ay nolaadaan marka laga reebo marxaladaha gaar ah ee ku qasbi kara in ay ka baxaan nolosha kalinimada ah.

Qofka inuu kalinimo ku noolaado waxay u baahan tahay inuu heysto dhaqaale uu ku sameysan karo farxad, taaso ugu yaraan ka duwan nolosha qofkale ee donaya inuu kalinimo ku noolaado isagoon wax dhaqaale ah heysan.

Tani micnaheedu ma aha in aynu kasoo horjeedno Dhamaan dadka keligood go,aansaday in ay nolosha qaataan, laakiin baaritaan uu sameeyay Eric Klinenberg oo ku taqasusay cilmi-nafsiga waxa uu leeyahy qofka kaligiis ma noolaan karo ilaa xaalad gaar ah ay ku qasabto.

Cilmi-baarista Klinenberg waxa uu ku ogaaday in dadka keligood nool ay noqdaan kuwo bulsho ahaan ka firfircoon kuwa kale ee la nool bulshada inteeda kale.

Nolosha kaligeed ayaa noo ogolaanaysa inaan samayno waxa aan dooneyno, Kalinimada waxay naga caawineysaa in aan raacno xorriyadda shakhsi ahaaneed, xakamaynta shakhsi ahaaneed iyo iskaa wax u qabso-taas oo nagu qaadaneysa laga bilaabo qaangaarka illaa maalmaha ugu dambeeya nolosha.

Sidaa darteed keli noolaantu macnaheedu maahan in dadku kali yihiin ama aysan faraxsanayn, mana ahan macnaheedu in dadku ay yar yihiin bulsho ahaan, Laakiin waxay noqon kartaa in dadku ay yihiin kuwo iskood u gooni ah.

Daraasad lagu daabacay Jariidada Times ayaa lagu ogaaday in dhalinyarada maanta ka walaacsan yihiin bay’ada marka loo eego jiilalkii ka horeeyay.

Kali noolaanshaha waa qayb ka mid ah si wax-u-qabsasho dhib yar, islamarkaana aadan ka fakireyn baahida qof kale oo kula jooga.

Shan Qodob oo kaa saacidi kara inaad kaligaa Noolaato

Daryeelka Naftaada

Baro naftaada waxa ay tahay

Garasho bani’aadanimo

Inaa tahay Qof Naftiisa ka adag

Inaad yeelato Qorshe go’aanka kalinimada aad ku qaadatay.

W/D:- Hassan Abdi Ahmed (Iniesta)