Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dood adag ka yeeshay Hindise sharciyeedka kheyraadka Biyaha.
Xildhibaanada ayaa Wasaaradda Kheyraadka Biyaha ku amaanay hanaanka ay u soo diyaarisay hindise sharciyeedkan, waxa ayna ku dareen talooyinkooda.
Qaar ka mid ah Xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in sharcigaan lagu muujiyo talaabada laga qaadayo cidii shacabka biyo aan nadiif ahayn u keenta isla markaana biyaha ku qaaliyeysa.
Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka biyaha ee Xukuumada Soomaaliya Saalim Caliyoow Ibroow ayaa sheegay in talooyinka Xildhibaanada la qaadan doono.
Furitaanka kulanka ayaa dhammaan Xildhibaanadii arrintaan ka dooday waxa ay soo jeediyeen in la ansixiyo sharcigaan maadaama uu yahay mid muhiim ah balse gaba gabada kulanka ayaa waxaa la waayay tiradii loo baahnaa in cod lagu qaado maadaama 155 Xildhibaan uu kulanka ku furmay balse gaba gabada kulanka ay goobjoog ahaayeen 83 Xildhibaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay maadaama aysan goobjoog ahayn tirada xildhibaanadii loo baahnaa iney codeeyaan in kulanka xiga laga dhigo ansixinta iyo cod u qaadista sharcigaan.


