Wararkii ugu dambeeyey xiisad ka taagan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellaha  hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal aan badneyn uu ka dhacay deegaanka  ayna iska baxeen ururka Shabaab ka dibna ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka Komaandooska dowladda Soomaaliya iyo ciidamo cadaan ah ay howlgal ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War lagu qoray baraha Shabaab ayaa lagu sheegay in ay iska difaaceen ciidanka dowladda  ayna hada joogaan deegaanka Bariire.