Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Ukraine

In this photo provided by the Ukrainian Presidential Press Office, Ukrainian President Volodymyr Zelenskyy delivers his speech addressing the nation in Kyiv, Ukraine, Friday, Feb. 25, 2022. Russian troops bore down on Ukraine's capital Friday, with explosions and gunfire sounding in the city as the invasion of a democratic country fueled fears of wider war in Europe and triggered new international efforts — including direct sanctions on President Vladimir Putin — to make Moscow stop. (Ukrainian Presidential Press Office via AP)

Kremlin-ka ayaa Arbacada sheegay in Mareykanka uu qaaday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah Moscow, taasi oo uu ku sifeeyey cunaqabateenada dalkaas loo saaray duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

Dhaqaalaha Ruushka ayaa wajahaya xasaraddii ugu darneyd tan iyo burburkii Midowga Soviet ee 1991-kii kadib markii Reer Galbeedka ay cunaqabteyn curyaamisay saareen dhammaan hannaanka maaliyadda Ruushka, sababo la xiriira duulaanka Ukraine.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa cunaqabateenada Reer Galbeedka ku macneeyey “cadowtooyo waali ah” oo qastay suuqyada caalamka, wuxuuna ka digay in tani Ruushka ay ku qasbeyso inay u fakaraan si dhab ah.

Mar wax laga weydiiyey mamnuucidda uu madaxweyne Joe Biden kusoo rogay soo-dhoofinta shidaalka iyo gaaska Ruushka, Peskov wuxuu sheegay in Ruushka “uu weligiis ahaa siina ahaa doona qeybiye tamar oo la isku haleyn karo.”

Dhanka kale Dowladda UK ayaa sheegtay in ay hadda awood u leedahay in ay xirto ama xitaa ay lawa reegaan Diyaaradaha Ruushka laga leeyahay ee hawadda UK soo dul mara.

Tallaabooyinkan oo ay ku dhawaaqday Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK, Liz Truss, ayaa dawladda siin doona awood ay ku xidho diyaaradaha Ruushka ee gudaha UK, isla markaana dembi ka dhigi karto in Diyaaradaha laga leeyahay Ruushka lagu dejiyo dalka Britian.

Wasiiradda ayaa sheegtay in talaabadan ay cadadis xoog leh ay saari doonto daqaalaha Ruushka.