Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Dacdheer

Wararka ka imaanaya Deegaanka Dacdheere ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay Halkaasi uu ka soconaya dagaal u dhaxeya Dadka Deegaanka iyo Ciidamada liyuu boolis ,waxaana la sheegaya in uu dagaal khasaare kala duwan geystay.

Hal qof dhawaac liita ayaa ilaa iyo xiligaas la soo gaarsiiyey isbitaalka Cadaado.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay soo qaadeen Ciidamada Liyuu Boolis ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya,kaas oo ilaa hadda ka soconaya Duleedka Degaanka.